Khasaaro xoogan oo ka dhashay gaari rakaab ah oo miino kula kacday Shabeellaha dhexe

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in qarax uu qabsaday Gaari ay saarnaayeen dad rayid ah, nawaaxiga tuulada Gololey oo waqooyi ka xigta magaalada Balcad.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyootay halka 5 kale ay ku dhawacmeen ka dib markii gaari rakaab ah ay miino kula kacday meel u dhaw degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe duhurnimadii maanta oo Arbaca.

Abshir Maxamed Maxamud oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Xooga ayaa xaqiijiyey dhacdada argagaxa leh ee dadka rakaabka ah lagu qarxiyay, waxaana uu sheegay in oo la bar-tilmaamedsaday gaariga oo marayay wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

Gaariga ayaa ahaa nooca Homey-ga loo garan ogyahay, waxana sidoo kalena la hadlay darawalka oo isugu kamid ahaa dadka musiibada ka badbaaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor