Khasaaro ka dhashay Diyaarad ku burburtay Dal ka tirsan Afrika

Diyaarad Helikopter oo ay Ciidanka dalka Zimbabwe leeyihiin ayaa ku burburtay meel ku dhow Caasimadda dalkaasi ee Harare. Diyaaradda burburtay oo nooceedu ahaa The Agusta Bell AB 412 helicopter waxay ku burburtay Tuullada Arcturas oo  30-KM dhanka Bari kaga toosan Harare.

Helikopter kaaasi oo loo adeegsado Tababarka Duullimaadka ayaa waxay ka soo duushay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Manyame Airbase ee Garoonka Harare ee Tababarka Duullimaadka.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Cirka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Diyaaradaasi ku dul dhacday guri, iyadoo ay ku geeriyoodeen 2 Duuliye iyo Farsama-yaqaan la socday Diyaaradda iyo Ilmo yar oo ku sugnaa guriga ay Diyaaradda ku habsatay.

Shilkaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay Haweeney iyo gabar yar, kuwaasi oo uu soo gaaray dhaawacyo gubasho ah.

Taliyaha Ciidanka Cirka ee dalka Zimbabwe, Air Marshal Elson Moyo waxa uu ka tacsideeyey Shilkaasi, wuxuuna xusay inay socdaan baaritaano la xiriira waxa sababay burburka Diyaaradda Helikopterka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor