Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad iyo Al-shabaab oo saakay ka dhacay degaan hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Dagaalkan ayaa markii horey ka bilowday weerar gaadmo ah oo Ciidanka Xoogga iyo kuwa Galmudug ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa degaan lagu magacaaboTuula-xaayow oo dhinaca koonfur ka xiga Dhuusamareeb.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah, waxaana inta socday dagaalka la isku adeegsaday hubka noocaydiisa kala duwan.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa sheegay inay Al-shabaab dagaalka uga dileen in ka badan 10-xubnood, isla markaana ay ka qaateen hub ay waateen, waa sida hadalka u dhigeen Saraakiisha Ciidamada qeybta 21-aad ee Xoogga dalka.
Sidoo kale Ciidanka Dowladda ayaa waxaa la sheegay in dhankooda la gaarsiiyay khasaaro oo laga dilay Askar, waxaana xusid mudan in Isbitaalka Dhuusamareeb la geeyay tobaneeyo qof oo dhaawac ah.
Si kastaba Dhawaan ayey markii dagaalamayaasha Al-shabaab weerar khasaaro geystay ku qaadeen degaanka Wisil ee Gobolka Mudug, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo xoogan oo dhexmaray Ciidanka Galmudug, dadka iyo Al-shabaab.