Khasaaro ka dhashay dabkii ka kacay Warshadda Biyaha Zamzam

Waxaa xalay saqdii dhexe lagu guuleystay deminta dab socday ku dhawaad Todobo saac, kaasi fiidkii hore ee xalay qabsaday Warshadda Biyaha Zamzam qeybta ay ku leedahay isgoyska Tabeellaha Sh. Ibraahim.

Inta ay socotay hawsha lagu daminayay dabkan ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay masuuliyiinta Garasbaaley, Gaadiidka dab damisyada gobolka Banaadir iyo Shirkadda Hormuud.

Masuuliyiinta goob-jooga aheyd inta uu gurmadku socday ayaa waxa ay kala ahaayeen Agaasimaha guud ee nadaafadda iyo billic soo celinta gobolka Banaadir Sharmaarke Caddow Tuuryare, Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne farabadan.

Taliyaha Booliska Garasbaaley Laba Xidigle C/ladhiif Cali Maxamuud (Rubac Gaaldile) oo dhankiisa gurmadka ka qeyb qaadanayay ayaa sidoo kale ka hortagay in Tuug-nacas uu boobo hantida shacabka.

Guddoomiyaha Garasbaaley C/raxmaan Garyare oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dabka uusan geysan Khasaaro nafeed, hayeeshee uu geystay Khasaaro hantiyadeed.

Sidoo kale Cabdiqani Dhalloole oo ah Agaasimaha gurmadka Deg dega Gobalka Banadir ayaa waxa uu sheegay  in dabku uu xooganaa ayana isugu geeyeen wax kasto oo ay awoodeen si loo badbaadiyay hantida taalla Xarunta Warshadda Biyaha Zamzam.

Dabkii xalay ka kacay Xarunta Warshadda Biyaha Zamzam ayaa geystay Khasaaro hantiyaadeed oo aad u badan, in kastoo aan weli wax faah faahin kaga bixin Khasaaraha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media