• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Khasaaraha ka dhashay Askari qoyskiisa ku Qarxiyay Muqdisho oo kordhay

Bilan Media by Bilan Media
November 24, 2020
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 2 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay Bam ku qarxiyay qoyskiisa, xili ay ku sugnaayen Gurigooda ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askariga markii horey isaga oo sarqaasan uu galay guriga, kadibna uu muran xoogan soo kala dhex-galay isaga iyo qoyskiisa oo ku sugnaa hal  Qol, wuxuuna kadib ku qarxiyay Bam gacmeed uu watay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray qoyska Askariga ka tirsan Ciidanka dowladda oo deganaa Guri ku yaalla xaafadda Cali Kamiin ah ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka.

Ugu yaraan 4 ruux oo ay ku jirtay hooyada dhashay Askariga falkaas geystay ayaa ku geeriyooday goobta uuna kamid ahaa wiil uu isaga dhalay, waxaana qaraxa ku dhaawacmay 9 qof oo isugu jiray wallaalihiis, adeerkiis iyo xubno kale oo qoyska ka tirsanaa.

Dad deris lahaa qoyska ay dhibaatada gaartay ayaa tegay Guriga, iyagoona gurmad xoogan u sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxaas, isla markaana waxaa dhaawacyada la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga ka tirsan Ciidanka dowladda ee falkaas geystay oo lagu magacaabo Nuuraaye uu ku dhaawacmay qaraxii uu geystay, waxaana gacanta ku dhigay laamaha amniga isaga oo dhaawac ah.

Dhacdadaan ayaa xanuun badan ku reebtay dadkii deriska la ahaa qoyska ay dhibaatada gaartay, isla markaana dadka deegaanka xaafadda Cali Kamiin warbaahinta la hadlay  ayaa u sheegay in falkaas ay aad uga naxeen markii uu dhacay.

Askari ka tirsnaa Ciidanka dowladda Federaalka ayaa horey sidaan oo kale weerar loo adeegsaday rasaas xoogan uu ku furay qoys uu gabar ka qabay, kuwaasi deganaa duleedka Muqdisho, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Previous Post

Dowladda Somalia oo ka hadashay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Cirka

Next Post

RW Rooble booqday Ciidamo ku dhaawacmay dagaal ay la galeen Al-shabaab

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

July 9, 2025
SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta
Warar

SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta

July 9, 2025
Next Post

RW Rooble booqday Ciidamo ku dhaawacmay dagaal ay la galeen Al-shabaab

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, isagoo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida kala wareegay Saanad ciidan oo loogu tala...

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Madaxweynaha dalka Comoros Mudane Azali Assoumani, ayaa warqadaha Aqoonsiga ah ka gudoomey Safiirka JFS ufadhiya Tanzania iyo EAC, oo sidoo...

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

by Liban
July 9, 2025
0

The President of the Union of the Comoros, H.E. Azali Assoumani, has officially received the credentials of the Ambassador of...

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC
English News

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia
English News

SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
  • Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
  • Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
  • President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00