Magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxa laga sameeyay howlgallo ballaaran oo ay sameeyeen Ciidamada Millateriga iyo Booliska degaankaas.
Intii howlgalku socday ayaa waxaa ay ciidamadu gacanta ku dhigeen Khamri farabadan iyo dadkii ka ganacsanayay, waxaana fagaare ku yaalla Caabudwaaq lagu soo bandhigay dhalooyin aad u farabadan oo Khamri ah.
Laamaha ammaanku waxaa ay shegeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan dadka soo galiyay magaaladas Maandooriyaha Khamriga oo dhibaato weyn ku keeni karabulshada degaanadaas.
Khamriga ayaa lagu bur-buriyay goob fagaare ah waxaana goob joog ka ahaa dadka deganka iyo saraakiisha Ciidanka iyo Millateriga oo howlgaladaas sameeyay.
Degaanada Galmudug aya ciidanka ammaanku waxa ay horay uga sameeyeen howlgallo ay kusoo qabteen Maandooriye kala duwan oo ay isugu jiray Khamri iyo Xashiish.