Khabiir dhinaca Xuquuqda Aadanaha oo ugu baaqay Dowladda Federalka Somalia iney tayeyso Hay’adaha Sharciga

Madaxa xuquuqul Insaanka ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, Xasan Shire Shiikh oo Wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa ka hadlay Warbixin dheer oo ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ka soo saartay falalka xukunnadda dilalka ee sannadkii hore laga fuliyey Calaamka.

Dr. Xassan Shire ayaa ku baaqay  in loo baahan yahay in la joojiyo xukumadda dilalka, lana xoojiyo awooda Hay’addaha sharciga, Maxkamadaha iyo Hay’adda kale ee Sharciga.

Madaxa Hay’adda xuquuqul Insaanka ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, Xasan Shire Shiikh waxaa kale uu ka shan qariyey in ay lama huraan tahay in la dhiso Maxkamadaha kala darajadda ah, si ay u fududaato in rafcaan laga qaato xukunnadda, lana helo xukun caadil ah.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Hay’adda Amnesty International ee fadhigeeda dhexe ku yaallo magaaladda London soo saartay Warbixinta Sannadlaha ee xukunadda dilalka  ee Caalamka laga fuliyey sannadkii hore 2014-ka.

Liiska waxaa kaalimaha hore ka galay dalalka Nigeria, Masar, Iran, Maraykanka, Sacuudiga, Iraq, iyadoo uu dalkeenna ka galay kaalinta 8-aad kaga jiro fulinta xukunnadda dilalka ee Caalamka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor