Kenyaati ka tirsan Alshabaab laguna eedeyay inuu Culumaa’udiin ku dilay Mombasa oo la qabtay

Hadal ka so baxay Boliska Kenya ayaa lagu sheegay inay ninkaasi ku qabteen  magaalladda Mandhera, xilli uu doonayey inuu u soo gudbo xuduudka Somalia.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Saciid Sawaalax Saciid Cawad ayaa lagu eedeeyey inuu ku lug leeyahay falalkii lagu dilay dhowr ka tirsan Mashaa’iqda caanka ka ah Mombasa.

Wargeyska The Daily Nation ayaa ka soo xigtay Ilo dhinaca amamanka  ayaa sheegay in Eedeysanaha la qabtay xilli uu ka gudbi lahaa Degmadda Mandera, si uu ugu biiro Xarakadda Alshabaab.

Saciid Sawaalax Saciid Cawad ayaa lagu eedeynayaa inuu ka dambeeyey dilkii loo geystay Guddoomiyaha Golaha Imaamyadda Kenya Sheekh Mohamed Idris oo bishii June ee sanandkii hore lagu dilay Mombasa

Waxaa kalo lagu eedeynayaa inuu ku lug lahaa dilkii afar Mashaa’iq oo Gobalka Xeebta Kenya lagu dilay sannadihii 2012-ka iyo 2014-ka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor