Kenya oo xerada Dhadhaab xereysa bisha November ee sanadkan

Dowlada Kenya ayaa markale shalay ku celisay iney xireyso xerada Dhadhaab ee wadanka Kenya iyada oo ka cabaneysa in qaxootiga ay dhibaato ku yihiin Ammaanka iyo dhaqaalaha wadankasi.

wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaisserry ayaa markale ku dhawaaqay in Kenya ay xireyso xerada Dhadhaab bisha November ee sanadkan sida ay baahisay BBC.

Xerada Dhadhaab ayaa hoy u ah in ka badan 300,000 oo qaxooti Soomaaliyeed oo badankooda tagay halkasi 1991kii iyo markii dalka uu galay dagaaladii sokeeyay.

Dhadhaab waxa la aas aasay sanadkii 1991kii waqtigas oo ay ku bilawden qoysas Soomaali ah oo colaada Soomaaliya ka soo barakacay,qaarkood imminka weli wey ku nool yihiin halkasi.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor