Kenya oo Tababaraysa Macallimiinta Dugsiyada si ay iskaga difaacaan weerarada Alshabaab

Dowladda Kenya aya bilowday qorshayaal ay ku tababarayso Macallimiinta aan u dhalan Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya ayaa codsaday in laga beddelo gobolka kadib markii ay kordheen weerarada Alshabaab,Hayeeshee waxaa arrintaas diiday Ururka TSC oo ay ku mideysan yihiin Macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla dalka Kenya.

Qaar badan oo ka mid ah Macalimiinta aan u dhaln degaanka ayaa warqadahooda codsiga beddelka goobta shaqada u gudbiyay Xafiiska Ururka ku leeyahay Magaalada Gaarisa.

Dhinaca kalana Mas’uuliyiinta Hay’adda TSC ayaa soo jeediyay in Barayaasha loo tababaro adeegsiga hubka iyo dagaallamidda si ay iskaga difaacaan weerarada Alshabaab ay ka geysanayaan gudaha dalkaas.

Bare ka mid ah kuwa doonaya in degaanka laga beddelo ayaa yiri: “ma soconeyso suuraglna maaha in aan dagaal galno, ardey waxba ma bari karno haddii aan dagaallameyno mana aha laba shaqo oo isku meel geli kara”.

Alshabaab ayaa Todobaad ka hor 3- Macalin waxa ay ku dileen degaan hoostaga Magaalada Gaarisa, iyada oo wixii ka dambeeyay macallimiinta ayaa isaga baxayay degaanka iyaga oo dalbanayay in la siiyo waraaqaha beddelka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media