Kenya oo sheegtay inay qabteen rag qaraxyo ka geysan lahaa magaalladda Nairobi

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska the Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Kenyaa gacanta ku hdigeen Labo qof oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab, kuwaasi oo doonayey inay ka soo gudbaan xuduudka Kenya la wadaagto Somalia, waa sida hadalka loo dhigay.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Milliteriga Kenya ayaa laagu sheegay inay raggaasi qorsheynayeen inay weeraro is-qarxin ah ka geystaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalladda Nairobi.

Ilo-wareedyo dhinaca ammaanka  ayaa u sheegay Wargeyska The Star  in labada qof ee ka tirsan Alshabaab ee la qabtay lagu kala magacaabo Mursal Mohamed Hassan iyo Abdullahi Abiikar.

Wargeyska waxa kaloo uu qoray inay labadaasi nin ka mid ahaayeen 5 qof oo doonaysay inay ka soo gudbaan xuduudka laga helay suunka waxyaabaha qarxa oo ay ku soo qariyeen Jirgaanka biyaha gudahiisa, waa sida uu Wargeysku qoray.

Dhinaca kale, Afhayeenadda Boliska Kenya, Mboroki Gatiria ayaa sheegtay inaysan haynin warar ku saabsan in la xiray raggaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor