Madaxa Ammaanka ee gobalka W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa sheegay in dib loo furayo qeybo ka mid ah xuduudka Kenya la wadaagto Somalia, si ay taasi gacan uga geysato in lala socdo gaadiidka wada shixnadaha kontorobaanka, gaar ahaan Sonkorta ee loo soo gudbiyo Kenya.
Isagoo ka hadlayey Kulan ka dhacay Mandera, waxa uu tilmaamay inay Ganacsatadda  sonkorta sharci-darradda, cuntada iyo hubka baadi-goobayaan inay helaan waddooyin ay ku soo galaan Kenya.
“Waxaan furi doonaa inta u dhexeysa 1 ilaa 2 kontorool ee saddexda degmo ee Mandera, Wajeer iyo Garissa†ayuu yiri Mas’uulkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray inay Kontoroladaasi maamuli doonaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’addo kale, si loo hubiyo Shiixnadaha ka imaanayo dhinaca Somalia, loona canshuuro badeecadahaasi.
Madaxa Ammaanka ee W/bari Kenya waxa uu uga digay Saraakiisha Boliska iyo kuwa Dowladda inaysan Ganacsatadda kula heshiinin inay si dhuumaalaysi ah ku soo galaan gudaha Kenya.
Ganacsatadda Reer Kenya, Ciiddanka ka jooga Jubbooyinka iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegaa inay macaash badan ka helaan gaadiidka wada shixnadaha Sonkorta ee sida Kontrobaanka looga gudbiyo Kenya.
Xigasho: Thestar.co.ke
© Warqabadka Radio Dalsan