Kenya oo shaacisay inay soo afjartay weerarkii ka dhacay Nairobi

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in lasoo geba-gabeeyay weerarkii Saacadaha badan qaatay ee Galabta lagu qaaday Hotelka Dusit ee Magalada Nairobi.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Dalka Kenya fred matiangi ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Ammaanka Kenya ay ku guuleysteen inay soo afjaraan weerarkaas.

Isaga oo Warbaahinta Gudaha Kenya la hadlayay ayuu sheegay inay hubiyeen dhammaan dhismayaasha hotelka uu ka kooban yahay,isla markaana ay xaqiijiyeen in uu weerarkii soo afjarmay.

Dowladda Kenya weli sirasmi ah uma shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaas oo ay mas’uuliyadiisa sheegteen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media