Kenya oo Qunsuliyado ka furanayso magaallooyin ku yaalla Somalia.

Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Lucas Tumbo ayaa sheegay inay dhowr Qunsuliyad ka furan doonaan Somalia, si ay taasi gacan uga geysato in lala socdo dhamaan dadka Kenyanka ee ku nool gudaha Somalia.

Danjiraha ayaa hadalkaasi ka yeeshay Wareysi uu Xafiiskiisa Muqdisho ku siiyey Wargeyska The Star, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay diiwaan-geliyeen inay Somalai ku nool yihiin 20,000 oo qof oo Kenyan ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay haatan ku hawlan yihiin Websayt laga daalacan karo dhamaan Faahfaahinta la soo gudbiyo.

Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Lukas Tumbo waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inay qorsheynayaan inay bisha July ee sannadkan ka furan doonaan  Xafiisyo u shaqeeya sida Qunsuliyadda oo kale magaallooyinka waa weyn ee Somalia, gaar ahaan Kismaayo, Hargeysa, Baydhabo iyo Garowe.

“Xafiisyaddan waxay  Adeegyadda Qunsulliyadda siinayaan dadka Kenyanka ee ku nool Goballadaasi” ayuu yri Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Lukas Tumbo

Dhinaca kale, Danjiraha waxa uu xaqiijiyey in la maareeyey xalinta Kiisas ka dhex taagnaa Shaqaalaha Kenyanka iyo Shirkadaha ay Qandaraaska la galaan, si ay uga hawlgalaan gudaha Somalia.

Waxa uu dadka Kenyanka inay u soo shaqo tagaan Somalia, isagoo sheegay inay jiraan fursado, lana xaqiijiyey xaalladda Ammaanka.

Sidoo kale, Danjiraha waxa uu tilmaamay inay socdaan dadaalka lagu dhisayo Safaaradda Kenya ku leedahay magaalladda Muqdisho, lana filayo in la dhamsytiro bisha August ee sannadkan.

Haatan, Safaaradda Kenya waxa ka hawlgashaa Xero ku taalla Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor