Kenya oo qiratay in Askari looga dilay iska horimaad ay Dagaalamayaasha Alshabaab kulaa galeen Gobalka Gedo

AfhayeenkaMilliteriga Kenya, Kolonel David Obonyo ayaa faahfaahin ka bixiyey iska horimaad ay Dagaalamayaasha Alshabaab shalay kula galeen Deegaanka Lugooley  Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Waxa uu sheegay in  isk horimaadkaasi looga dilay hal Askari, wuxuuna ku dooday inay dileen 7 dagaalyahan oo Alshabaab ah.

Waxa kaloo uu sheegay inay miino la kacday gaari ay Milliteriga Kenya leeyihiin, ka hor inta uusan bilaabanin dagaal fool-ka-fool ahaa.

Afhayeenku ma sheegin tiradda ciiddanka la socotay gaariga ay miinadu la kacday.

Waxa uu intaasi ku dray inay Ciiddanka Kenya dileen 7 dagaalyahan, isla markaana ay ka qaateen 8 qori nooca AK 47. 2 bam iyo rasaas kale, waa sida uu hadalka uu yiri.

Dhinaca kale, waxa uu qiray inay Dagaalamayaasha Alshabaab kordhiyeen hawlgalladooda, kadib, markii uu sheegay inuu cadaadis kaga yimid ciiddanka AMISOM, gaar aahaan kuwa Ethiopianka ee dhawaan loo soo daad-gureeyey Goballadda Bay iyo Bakool.

 

 

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor