Boliska Kenya ayaa sheegay inay xireen nin Kenyan ah, kaasi oo ku goodiyey haddii aan lagu darin Askarta cusub ee loo qorayo Milliteriga Kenya inuu ku biiri doono Xarakadda Alshabaab.
Eedeysanaha oo laagu magacaabo Alex Maraga Nyambane ay xireen Saraakiisha Boliska Milliteriga , xilli uu Tababar ka socday Deegaanka Ekerenyo ee Waqooyiga Nyamira, kadib, markii la sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro Xarakadda Alshabaab, xitaa haddii uusan ku guuleysanin inuu ku biiro Ciiddanka Difaaca Kenya ee KDF.
Sarkaalka xiray Ninkaasi oo aan fasax u haysanin inuu ku hadlo magaca Ciiddanka Kenya ayaa sheegay inuu maqlay Eedeysanaha oo dhahayo: “Alshabaab diyaar bay u yihiin inay I soo dhaweeyaan, haddii aysan Ciiddanka Kenya u aqoonsanin in la siiyo shaqo”.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in weli lagu sii hayo Barta Boliska ku leeyihiin Deegaanka Ekerenyo, wuxuuna Sarkaalku tilmaamay in Eedeysanaha loo gacan-gelin doono Boliska La-dagaalanka Argagixisadda, si ayu sii weydiiyaan su’aalo dheeraad ah.
©Radio Dalsan