Labo Kenyan lala xiriirinayo Iiraan oo lagu eedeynayo Argagixiso.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay inay Labadaasi nin qorsheynayeen inay weeraro ka geystaan Hotelladda Kenya ee ay isticmaalaan Dalxiisayaasha, Diplomaasiyiinta iyo Ganacsatadda waa weyn.

Twitterka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa la soo dhigay in ay Hay’addaha Ammaanka Kenya gacanta ku dhigeen Labo nin oo Iiraaniyiin ah oo qorsheynayey inay weeraro argagixiso ka geystaan Nairobi, balse la fashiliye, lana xiray Eedeysanayaasha.

Labada Iiraaniyiinta ee la qabtay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Abuubakar Sadiiqo Louw oo 69 jir ah, kana tirsan Shiicadda deggan Nairobi iyo Yasin Sambay Juma oo 25 jir ah.

Sannadkii 2013-kii Labo nin oo Iiraaniyiin ayaa waxay Maxkamad ku taalla Kenya ku xukuntay Xabsi Daa’in, kadib, markii lagu eedeeyey inay qorsheynayeen inay weeraro qaraxyo ka geystaan Kenya.

 

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor