Kenya oo Duqeyn la beegsatay Xarumo Isgaarsiineed oo ku yaalla degaan ka tirsan Gedo

Wararka aan ka heleyno deegaanka Carocaso ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in deegaankaas ay saacadihii lasoo dhaafay duqeyn ka geysteen diyaaraddo ay leeyihiin Milateriga dowladda Kenya.

Diyaaradaha ayaa duqeynta la beegsaday Xarumaha shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Somtel ay ku leeyihiin degaanka Carocaso, waxaana  la sheegay inay ku dhaceen dhowr gantaal oo kusoo rideen diyaaradaha Kenya ay leeyihiin ciidamada Milateriga.

Ma jiro wax khasaaro ah oo duqeynta kasoo gaaray shaqaalaha Shirkadaha Hormuud iyo Somtel, hayeeshee waxaa la tilmaamay inuu jiro khasaaro burbur oo gaaray qeybo kamid ah labada Xarun, sida ay xaqiijiyeen qaar kamida dadka degaanka ee goobta tagay.

Illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi duqeynta ee lala eegtay Xarumaha shirkadaha Hormuud iyo Somtel ay ku leeyihiin degaanka Carocaso ee Gobalka Gedo.

Diyaraadaha Kenya ayaa dib usoo celiyay bartilmaamedkodii ay ku xasuuqi jireen dadka degaan Gedo oo in muddo ah soo jiray, taas oo aysan jirin kula xisaabtamo, sidoo kale shirkadaha Hormuud  ayaa ah midda ugu badan ee ay dhibaatada kasoo gaartay duqeymaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor