Kenya oo doonaysa inay Qaxootiga Soomaalida dib loogu soo celiyo dalka hooyo

Madaxa Dowladda Kenya ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga, Harun Komen ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay 100,000 Qaxooti Somali ah iskooda ugu soo laabtaan Somalia 12-ka bilood ee soo socota.

Waxa uu tilmaamay inta badan dalka Somalia haatan ka jirto nabad buuxda, xilli ay weli socdaan Hawlgall o Milliteri.

Waxa uu Xeradda Dadab oo ay ku jiraan  Qaxootiga Soomaalida ku tilmaamay inay gabaad ka dhigtaan kooxaha Xag-jirayaasha, isla markaana la isaga kala gudbiyo hubka.

Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) sheegtay inay ku-dhawaad labo kun iyo afartan iyo sided Qaxooti Soomaali ah si iskooda ah ugu laabteen Somaalia  tan iyo bishii December ee sannadkii hore.

Dhinaca kale, QM waxay yareysay raashinka la siin jirey Qaxootiga ku sugan Xerooyinka  Dadab iyo  Kakuma ee W/bari Kenya, kadib, markii ay dhaqaale-xumo soo wajahday.

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor