Kenya oo dad Shacab ah ku Xasuuqday Gedo iyo Shacabka oo baaq u diray DFS

Shacabka degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa Baaq u diray dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana shacabka degmadaasi ay ka cabanayaan xasuuq ay ku hayaan Ciidanka Kenya, oo sida ya sheegeen si bareer ah u laaya dadka shacabka ah ee ku dhaqan degaano ka tirsan Gobolkaasi  Gedo.

Maalmo ka hor ayaa degaanka Yeedoow oo 25km dhinac waqooyi kaga beegen  Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo waxaa  Ciidanka Kenya ay halkaasi ka sameeyen Howlgal ay ku laayen dad shacab ah oo ku noolaa degaankaas, waxaana ay dileen Wiil dhallinyaro ah, halka ay dhaawaceen seddex kale, waxaana ay qaateen dhaawacii iyo maydkii sida ay dadka degaanka sheegen.

Baadi goob badan kadib waxaa dadka degaan ay soo heleen Maydka mid ka mid ah dhallinyardii ay qaateen Ciidanku, waxaana ay sheegeen in aysan meel ku sheegeen Maydadka ama ruuxda seddexdii kale ee ay Ciidanka Kenya Qaateen.

Waxaa ay sheegeen dadka degaanka in ay soo heleen Maydka hal qof, iyadoo seddexdii kalena meel ay geeyaan aan la ogayn, waxaana ay shacabka degmada Ceel-waaq ay sheegeen in arrintaani ay tahay mid daaan-daansi ah.

Odayaasha, waxgaradka, Ugaasyada iyo shacabka Magaaalada oo isugu soo baxay degmada ayaa warbaahinta la hadlay, waxana ay sheegeen in ay Dowladda Kenya arrintan ay u bandhigeen in dadka shacabka ahaa ay Ciidanka Kenya si gar-darro ah u laayaan, balse saraakiisha Ciidanka Kenya ayay sheegeen in aysan siin faah-faahin, waxaana intaas ay ku dareen in aysan kala kulmin Kenya hadal ay ku qancaan, marka laga tago in ay baarayaan waxa dhacay.

Odayaasha degmada iyo waxgaradka ayaa sheegay in ay duullaan ku taahy Kenya dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed, waxaana ay xasuuqaan dhallinyarada iyo qof waliba oo ay arkaan sida ay sheegeen Odayaasha degmada, waxaana baaq ay u direen dowladda Soomaaliya, iyagoo ka codsaday in ay arrintaan soo faragaliso dhibaatada lagu haayo dadka shacabka ah eek u dhaqan Degmooyin iyo degaanno ka tirsan Gobolka Gedo.

Dowladda Kenya ayaa horay u Xasuuqdayb dad shacab ah iyadoo ku handacoonaysa in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana horay dad shacab ah ugu laayeen, Buusaar, Fax-faxdhuun iyo meelo kale, mana jirto cid wax u qabatay Eheladii iyo shacabkii dadkooda la xasuuqay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media