Kenya oo baahisay Sawirradda 36 xubnood oo ka tirsan Alshabaabkii dhawaan weeraray Kenya

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya, Mwenda Njoko ayaa sheegay in sawiradda xubnaha Alshabaab ee ay soo bandhigeen ay xubno ka yihiin Dagaalamayaasha Jeysh Ayman oo ah Unugga Alshabaab ugu qaabilsan weeraradda laga fuliyo gudaha dalka Kenya.

Mwenda Njoko waxa uu tilmaamay inay Jeysh Alayman ka hawlgalaan Dhulka Kaymeedka Boni Foirest oo ku dhow xuduudka Kenya, wuxuuna intaasi ku daray in Taliyihii Jeysh Al=ayman, Luqmaan Osmaan “Shirwac” lagu dilay weerarkii isbuucii hore ka dhacay duleedka Laamu.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in dhamaan 36-ka xubnood ee ka tirsan Alshabaab la tuhunsan yahay in lagu dhaawacay weerarkii Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya dhex maray isbuucii hore, waa sida uu hadalka u dhigay.

Boliska Kenya waxay kale soo bandhigeen magacyadda shan dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab oo iyagu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday Xeradda ciiddanka Kenya ku leeyihiin duleedka Laamu.

Shanta dagaalyahan ee ay Wasaaradda Arrimaha gudaha Kenya soo bandhigtay magacyadooda ayaa lagu kala sheegay:- Axmed Muller oo lagu naanayso Ahmed Khaalid iyo Abu Musaybah  iyo Ramadaan Kiyooko Abu Nuseyba.

Jihadistaha u dhashay dalka Jramalka ee Axmed Muller lagu naanayso Ahmed Khaalid iyo Abu Musaybah  waxaa la sheegay inuu bishii Feberaayo 15-dii e esannadkii 1972-kii ku dhashay Degmadda Kokem ee dalka Jarmalka.

Waxaa kaloo magacyadooda la soo bandhigay saddex  dagaalyahan oo la sheegay in lagu dilay iska horimaadkii Laamu, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay  iyo Thomas Evans Anthony oo loo yaqaaano Musa UK, Lukhmaan Osman Issa oo loo yaqaano Shirwac iyo Saciid Xamad.

Dhinaca kale, Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, waxaa lagu muujiyey in Ahmed Muller oo u dhashay dalka Jarmalka xubin ka yahay Alqaacida, isla markaana u uka mid ahaa Dagaalamayaasha Alshaabaab ee dhawaan Ciiddanka Kenya kula dagaalamay  duleedka Laamu.

Ahmed Muller oo 43-jir ah ayey Dowladda Kenya sheegtay inuu Alshabaab ku biiray dabayaaqaddii sannadkii 2011-kii, kana badbaaday weerarkii ay Diyaaradaha Maraykanka ku dileen Hoggaamiyihii Alshabaab, Axmed Cabdi Godane.

Warbixin ay Boliska Kenya soo saareen ayaa lagu sheegay  inuu Ahmed Muller ka mid ahaa Dagaalamayaashii Alshabaab ee sannadkii hore weeraray Degmadda Mpeketoni.

Warbixinta Boliska Kenya waxaa kaloo lagu sheegay in Dagaalyahanka Ramadaan Kiyooko Abu Nuseyba uu Dagaalamayaasha Alshabaab ku biiray sannadkii 2008-dii.

Xigasho: Standard

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor