Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya ayaa kula taliyey Dowladda Kenya inay Qaadka Kenya suuq uga raadiyaan Somaliland, halkaasi oo inta badan haatan lagu iibiyo Qaadka ka yimaada dalka Ethiopia.
Mas’uulkaasi madaxda ka ah Gobalka laga soo saaro Qaadka ugu badan ee lagu beero dalka Kenya ayaa sheegay inuu dhawaan booqasho ku tegay magaalladda Hargeysa si uu Madaxda Somaliland kala hadlo in Qaadka Kenya loo iib keeno Hargeysa.
Waxa uu intaasi ku daray in Qaadka lagu iibiyo Suuqyadda Somaliland uu qiimihiisu dhana 400 million oo Dollar sannadkiiba, iyadoo 99% Qaadkaasi laga keeno Ethiopia.
Waxa uu is barbar dhigay Qaadka Kenya iyo kan Ethiopia, wuxuuna xusay inay Reer Somaliland aad u jecel yihiin Qaadka Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya waxa uu ugu baaqay Dowwladda Qaranka Kenya inay magacowdo Guddi Farsamo oo soo qiimeeya qaabka loo aqoonsan karo Jamhuuriyadda Somaliland, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku daray inuu dhawan doono Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya u gudbin doono Wrabixin ku aadan horumarka cusub ee uu ka soo garay Safarkii Sahanka ee uu ku tegay Somaliland, si uu Suuq ugu soo helo Qaadka Kenya.
Beeraleyda Qaadka beerta ee Kenya waxay horey la daaala dhacayeen Xayiraadii ay Dowladda Britain ku soo rogtay Qaadka Kenya sannadkii 2014-kii iyo Hoos u dhaca ku yimid Qaadka Kenya ee loo iib geeyo Somalia, oo mar ahayd Suuqa ugu ballaaran ee maalin kasta loo iib geeyo Qaadka Kenya.
Tallaabadan ayaa timid, xilli uu Madaxweynaha Somalia, Hassan Sheikh Mohamoud doonayo in la joojiyo guud ahaa Qaadka la keeno Somalia, oo uu xusay inuu hdibaato ku hayo Dadka Soomaaliyeed.