Kenya iyo Alshabaab oo macaash xoogan ka hela Sonkorta laga soo dejiyo Dekedda Kismaayo

Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka saaran Somalia iyo Eriterta ee  (The UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea) ayaa ku eedeeyey inay Dowladda Kenya  si aan sharci ahayn  u dhoofsato Shixnadaha Sonkorta laga keeno dalka Brazil,  ee laga soo dejiyo Dekedda caalamiga ee magaalladda Kismaayo.

Warbixinta Guddiga QM ay soo saartay maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay oo ka kooban 322-bog ayaa waxaa lagu sheegay inay  Kenyaanka Sonkorta Dekedda Kismaayo  uga soo degta sannadkiiba ku kharaj-gareyaan lacag dhan  81.8 million oo Kenya Shillings, una dhiganta in ka badan 800,000 oo dollar.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan Jid-gooyooyinka yaalla dhamaan Waddooyinka ka soo baxa magaalladda Kismaayo ay 1,000 Dollar ka qaataan halkii gaari ee xamuul sonkor ah u wada gudaha dalka Kenya.

Warbiixnta waxaa lagu sheegay inay Isbaarooyin teedsan yihiin  inta u dhexeysa Dekedda Kismaayo ilaa Dhoobleey iyo Liboy ee looga sii gudbo magaalladda Garissa ee W/bari Kenya.

Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in Sonkorta ka soo degta Dekedda Kismaayo ay marin-lacageed iyo macaash u tahay Xarakadda Alshabaab iyo Hoggaamiye-kooxeedyadda Soomaalida, waa sida lagu xusay Warbixinta.

Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa maamula Dekedda magaalladda Kismaayo, waxayna taageero ka helaan Maleeshiyadda Maamul-gobaleedka Jubba oo horey loogu yeeri jiray Maleeshiyadda Raas Kambooni.

Source: The Star

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor