Kanada oo sheegtay inay Deganaanshaha Somalia muhiim u tahay Ammaanka Gobalka iyo Deganaanshaha dalalka Bariga Afrika.

Dowladda Kanada ayaa la filayaa inay markii ugu horreysay ka qeyb geli doonta Shirweynaha Caalamiga ee Somalia ee lagu qaban doono Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kanada, Stéphane Dion oo hataan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jarmalka ayaa la filayaa inuu ku soo biiro Shirweynaha Heerka Wasiir ee qeybta ka ah Dowladaha taageera Somalia, kaasi oo dabayaaqadda bishan lagu qaban doono magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Caalamka ee Wasaaradda Arrimaga Dibedda ee Kanada, ayaa lagu sheegay in ka-qeybgalka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kanada, Stéphane Dion ee Shirka looga hadlayo Xaalladda Somalia dib u xaqiinayso sida ay Dowladda Kanada uga go’an tahay Taageridda Dadaalka Caalamiga ee Deganaanshaha, Nabadda iyo Adkaysiga Jiritaanka Somalia.

Qoraalka waxaa lagu xusay in Horumarka Dadaalka Somalia muhiim u yahay Ammaanka Gobalka iyo Deganaanshaha dalalka Bariga Afrika.

Shirweynahaasi ayaa qeyb ka ah Shirarka Caalamka ee looga hadlayo Arrimaha Somalia, gaar ahaan Dib-u-dhiska, Nabadda, Nidaamka Dowladnimo iyo U diyaar-garowga Doorashadda dabayaaqadda Bishan ka dhici doonta dalka Somalia.

Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee January, waxay Dowladda Federalka ee ay Beesha Caalamka taageero soo bandhigtay Nidaamka Doorashadda ee soo socota ,taasi oo ay Golaha Ammaanka ee QM iyo Beesha Caalamka soo dhaweeyeen Nidaamkaasi oo dalka Somali si rasmi ahaan ugu soo dabaali doono Dowlad-wadaag Federalism ah.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor