Kalluumeysato Iiraan oo dil iyo dhaawac u geystay Burcad-baddeedii haysatay, kadibna baxsaday.

Koox Burcad-baddeed Soomaali ah oo isbuucii hore soo qafaashay dooni Kalluumeysato oo laga leeyahay dalka Iiraan ayaa la sheegay in laga itaal-roonaaday.

Goobjoogayaal iyo Kalluumeysato ku sugan Xeebta degmadda Xarardheere ayaa maanta xaqiijiyey inay Shaqaalihii Kalluumeysatada la baxsadeen Doonida, kadib, markii shalay galab ilaa xalay lagu dhex hardamayey doonida dhexdeeda.

Ma jiraan warar xaqiijinaya inay Ciiddanka Caalamiga ee ku sugan Badda Somalia ku lug lahaayeen sidii loo badbaadin lahaa Kalluumeysatada oo iyagu u itaal-sheegtay Ilaaladii saarnayd Doonidooda.

Mukhtaar Yacquub oo ka mid ah Kalluumeystada Deegaanka Xarar-dheere ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP in la dilay dhowr Burcad-baddeed, isla markaana ay doonida ka shiraacatay Xeebta Xarar-dheere, oo ay u jiheysatay dhinaca Badweynta.

Caaqil C/llaahi Barre oo la hadlay AFP ayaa sheegay  in 7 burcad-baddeed la dilay, labo kalena uu soo gaaray dhaawac khatar ah.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay Taariikhda oo ay Kalluumeysato la soo afduubtay cashar u dhigaan Burcad-baddeedii doonaysay madax furashada Lacageed.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor