Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland, ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhageysiga warbixinno ay soo jeedinayaan 5 ka mid ah guddiyada Golaha Wakiillada, kuwaas oo dhawaan kormeerro ku sameeyey hay’adaha Dawladda iyo gobollada dalka.
Guddiyada ayaa kala ah:
- Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah
- Guddiga Amniga iyo Nabadgelyadda
- Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah
- Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka
- Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta