Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xubno sare oo ka tirsan AS oo gaaraya 27 xubnood in lagu dilay tiro kalana lagu dhaawacay.
Qoraal lagu baahiyay warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgal Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa lagu afjaray dagaalamaayal ka tirsan AS oo isku aruuriyay deegaanno kala duwan isla markaana loo diyaarinayay in ay falal amni darro fuliyaan.
Howlgalka oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan, waxaana NISA ay sheegtay in howlgalku ku soo dhammaaday guul.