• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Kaftan Siyaasadeedka Taagan: Go’aanka Somaliland u ekaa “Gacal kala goyn”.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 30, 2015
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Hadal-haynta iyo Guuxa Dadweynaha waxa uu noqday mid madal kasta looga aragti dhiibto Go’aanka Somaliland ku sheegtay in ay Soomaalida deggan Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia soo qaataan Baasaboor marka ay ka soo galayaan waxa ay ugu yeereen Sohdimaha Somaliland.

Kafateeriyadii aan Kalyantiga ka ahaa ayaan tegay, waxaan dalbaday Koob Kafey Nero ah, waxaan fariistay Kursi aad ugu dhow Odayaal aan mooday inay Shir Dhaqameed Khaas ah leeyihiin, waxaana dhegta u taagay Sheekeysigooda iyo Arrinta ay gorfeynayaan.

Odayaasha oo da’ 50-aadka iyo wax ka sarreeyo ila muuqaal ekaa, waxay  ka wada sinaayeen garka xiniga (Cilaanka) la mariyey iyo Usha Baakooradda.

cafateria 000Intaan dhowr jeer laaacay Kafeygii ayaan mar kale jaleecay halka ay Odayaasha ku sheekeysanayeen, waxaa mar qura dhegahayga ku soo dhacay inay ka doodayaan Go’aanka Maamulka Somaliland ee ay ku soo rogeen Soomaalida ku nool Goballadda Kale.

Waxaan jeclaystay inaan Doodooda idiin soo koobo, iyadoo aan magacyadda Odayaasha u bixinay Qowdhan, Sugulle, Macruuf iyo Xaaji Dhoof.

cafeteria 1Qowdhan:- War waxaan doonayey inaan u dhoofo Hargeysa, laakiin waan iska dhaafay ilaa ay dabayshu ka degayso.

Macruuf:- Dabayl noocee ah, maxaa kuugu xiray Dabaysha, Diyaarad baad ku safraysaa.

Sugulle:- Dabayshu uu kuu sheegayo waa Dabaysha ka kacday Siyaasadda Somaliland ee miyaadan maqlin Go’aanka ay Wasiiradu go’aamiyeen?

Xaaji Dhoof :- Waxaasi go’aan ma ahee, waa Is-muujin iyo inay Warbaahinta farriinta gaarsiiyaan Caalamka oo dhegaha ka ootay Ictiraafka Somaliland.

Qowdhan: Haa, Dabaysha waqti bay leedahay, Siyaasadduna xilli lagu awr kacsado ayey leedahay. Sow maad garanin? Anigu waxaan la yaabanahay Go’aanka Indha-ku-garaadlaha ee lagu dhibayo dadka Ehelka iyo Xigtada ah. Ma Ummadda Soomaalida baa dhaqan u ahaa in loo go’aamiyo in la kala qoqobayo.

Macruuf. Dee, Ictiraaf baa la doonayaa, meel kastana waa lagu tijaabiyey, marka waa in xayiraad lagu soo rognaa Soomaalida kale ee aan u dhalanin Somaliland. Laga yaabee inay Beesha Caalamka taageeri doonaan go’aankaasi, lana soo dedejin doono Aqoonsiga Somaliland.

Sugulle:- Looma wada dhama Go’aankaasi, waana cambaaraynaynaa, waana ka dibad baxaynaa. Waan awoodnaa inaan qaadano go’aan lagu joojinayo dadka dhoofaya iyo noocyadda khudaarta darayga ee loo dirayo Hargeysa.

Xaaji Dhoof:- Anigu waxaan u arkaa arrinta Somaliland mid iyaga u gaar ah, waxaase Su’aal iga ah Baasboor yaa qaata?, Inteese loo qaataa?

Qowdhan: Waxaan maqli jirey Hees Hooriskeedu ahaa Waa su’aal da’ weynoo madaxa daalinayso, kollay go’aankaasi  waxa uu la barbar yahay Ra’yiga caana-nuuga. Waa waxaan socon doonin ee Ictiraafku waa calaacasha oo ay timo ka soo baxaan.

Macruuf: Horta yeysan cadiif na qaadin, Aqoonsi iyo Ictiraaf nama khuseeyo, waxa inoo dan inay dadkeenna min Raas Casayr ilaa Raas Kambooni si madax bannaan ugu socdaali karaan. Waa maxay Baasaboorka, war iska ilaali kuwa weli rumeysan Fikirkii Gumeystihii laga wada xoroobay.

Sugulle: Go’aanka Somaliland waxay kaga dhegan tahay Soomaalida ku nool Goballadda kale, waayo Go’aankaasi ma khuseeyo Dadka Ethiopianka ee Fiiso La’aanta ku soo gala, kagana baxa Somaliland. Malaha Somaliland waxay qeyb qarsoon ka tahay Federalka Ethiopia.

Xaaji Dhoof: Kaba soo qaad, Go’aan kasta oo ay Xukuumad soo saarto waxaa laga ansixiyaa Barlamaanka ee maxay la aamusan yihiin Golaha Wakiilladda iyo Xisbiyadda Mucaaradka ee  UCID iyo Waddani ? Xitaa Dowladda Federalka kulayl iyo qabow midna kuma hayo Go’aanka Somaliland.

Macruuf: Wallaahi waxaa maqli jirey Cimrigaaga oo raago Geel dhalaayuu ku tusaa, waa Mashaqo Cusub in qof Soomaali ah uu Baasaboor u qaato qeyb ka mid ah dalka Hooyo.

Sugulle:- Go’aankaasi waxaa la dhihi karaa waa Go’aan Gacal Kala goyn ah.

Qowdhan:- War waan ku daalnay, Aniga inaan baxo ayaan rabaa  ilaa isbuucan, markaan ka dego Garoonka Hargeysa waan idin soo wacayaa, sidoo kale markaan tago Burco iyo Boorama baan si fiican idinkugu sheekeyn doonaa.

©Radio Dalsan       

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo Nairobi kulamo kula yeelanayo Barlamaanka Kenya iyo Beesha Caalamka.

Next Post

Boliska Maraykanka oo shaaciyey magaca Ninkii Soomaaliga ee  ku geeriyooday shilka gaari.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed
Warar

Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed

July 15, 2025
Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay dagaal toos ah, iyadoo Ruushku uga digay Mareykanka hurinta xiisad cusub
Caalamka

Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay dagaal toos ah, iyadoo Ruushku uga digay Mareykanka hurinta xiisad cusub

July 15, 2025
Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
Warar

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

July 14, 2025
Next Post

Boliska Maraykanka oo shaaciyey magaca Ninkii Soomaaliga ee  ku geeriyooday shilka gaari.

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

by Liban
July 15, 2025
0

Garowe | In a dramatic political shake-up, the Puntland House of Representatives has officially stripped MP Abdirashid Yusuf Jibril of his parliamentary...

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

by Liban
July 15, 2025
0

In the heart of Somalia’s capital today, a handshake between two leaders spoke volumes. Mogadishu’s Mayor, Dr. Hassan Mohamed Hussein “Muungaab”,...

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xilka uga qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil, oo haatan ku sugan...

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino lala beegsaday kolonyo...

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions
English News

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
English News

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed
Warar

Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions
  • “Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
  • DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
  • Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00