Jugta tiro Hoobiyeyaal ah oo laga Maqlay Magaalada Muqdisho

Jugta tirro hoobiyeyaal ah ayaa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana mid kamida hoobiyeyaasha uu ku dhacay maqaayad ku taalla Isgoyska Afarta jardiin ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska ayaa isku gadaamay goobta.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, gebi ahaan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor