Jugta Qaraxyo iyo Madaafiic Xooggan oo laga Maqlayo degmooyin ka tirsan Muqdisho

Jugta dhawaqa qaraxyo is xig-xigay ayaa laga maqlay  Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Xaafadaha Qaar ku dhacay Madaafiic ilaa iyo hadda aan la ogayn halka laga soo riday.

Dadka ku sugan Qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho oo ay ka mid yihiin Boondheere, Xamarweyne, Shingaani iyo degmooyin kale ayaa si weyn u maqlaya jugta dhawaqa Hoobiyeyaal iyo qaraxyo aan la ogayn ilaa iyo hadda halka sida rasmiga ah loola beegsaday.

Waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Hoobiye uu kusoo dhacay aga-gaarka Ceelgaabta.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor