Jubbaland oo shaacisay khasaaro badan oo ka dhashay weerarkii Al-shabaab ee Kismaayo

Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa Caawa soo afjaray weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah oo duhurnimadii Maanta Al-shabaab ku qaaday Hotelka Tawakal ee ku yaalla magaalada Kismaayo.

Howlgalka soo afjarida weerarkii Kismaayo oo qaatay saacado dhowr ah ayaa ugu dambeyn lasoo gaba-gabeeyay, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland  Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal).

Wasiir Yuusuf Dhuumaal oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay in afar ruux oo mid yahay kan is-qarxiyey ay weeraka ku qaaday hotelka Tawakal, ayna dileen saddex rag ah oo gudaha u galay hotelka, kuwaasi oo dagaal la galay Ciidanka Jubbaland.

Khasaaro isgu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, waxaana Wasiirka amniga uu xaqiijiyey inay dhinteen ugu yaraan 9 qof, halka 47 qof kalena ay dhaawacmeen, la geeyay Isbitaalada magaalada oo lagu dabiibayo.

Sidoo kale Wasiir Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa tilmaamay in Ciidanka amniga ay gudaha hotelka kasoo badbaadiyeen inta badan dadkii ku sugnaa, isla markaana dadka waxyeelada gaartay ay ku jiraan Arday Iskuulo ka yimid oo goobta marayey.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii Maanta ku bilowday qaraxa is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday hotelka Tawakal oo ku yaalla magaaalda Kismaayo, waxaana qaraxa kadib gudaha hotelka galay saddex ruux, kuwaasi oo la dilay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor