Dhallinyaro Soomaali oo da’dooda u dhexeyso 15 jir ilaa 17-jir ayaa la sheegay inay burburiyeen qalabkii yiillay Dhismaha lagu hayo Qaxootiga Da’da yar ee aysan la soconin Waalidkooda.
Dhallinyaradaasi oo tiradooddu dhamayd 4 qof ayaa la sheegay inay cagta mariyeen Kushiinkii iyo qalabkii Jiifka ee yiillay Dhismaha lagu hayo Qaxootiga da’da yar oo aysan Waalidkooda la soconin.
Maamulka Gobalka Mecklenburg-West Pomerania ee Waqooyiga Jarmalka ayaa sheegay inay Dhallinyarda Soomaaliyeed u smeeyeen Rabshada, iyagoo codsady in loo keeno Qalabka lagu ciyaaro Game-ka ee loo yaqaano Playstations-ka, Â in la siiyo Lacag badan ee loogu talagalay Qaxootiga.
Wararka ka imaanayo magaalladda Schwerin oo ah Caasimadda gobalkaasi ayaa sheegay inay Dhallinyaradaasi ay 2 isbuuc oo keliya joogaan Jarmalka, isla markaana ay u hanjabeen mid ka mid Shaqaalaha daryeelka Qaxootiga, kaasi oo cabsi darted isku soo xirtay Xafiiska.
Ninkaasi oo 44-jir ah waxay Telefoon qeylo-dhaan ah u diray Boliska, oo u soo gurmaday.
Boliska waxay jeebedeeyeen Qaxootiga, waxaana la go’aamiyey in Qaxootigaasi loo wareejo Dhismayaal kale, kadib, markii ay sameeyeen Rabsahadaasi.
Dhallinyaradaasi ayaa la sheegay inay Jarmalka ku sugnaayeen muddo 2 isbuuc, kadib, markii laga soo celiyey dalalka kale ee Scandinavian-ka, iyadoo loo cuskaday Heshiiska “The Dublin agreement.
Xigasho: Newsline
Â
Â
Â