Safaarada Jarmalka ee magaalada Addis Ababa ayaa isbitaal ay leeyihiin ciidanka Itoobiya ugu deeqay agab caafimaad oo u dhigma 1 million oo Euro.
Madaxa waaxda caafimaadka ee ciidanka Itoobiya General Yilma Mekante ayaa sheegay in deeqdan ay wax weyn oo muhiim u tari doonto ciidanka .
Colonel Andrei Scoffis, oo ka socday ciidanka Jarmalka ayaa sheegay in dowladda Jarmalku ay sii wadi doonto taageerida ciidanka itoobiya.
Ciidanka Milateriga dowladda Itoobiya ayaa kuwa Tigree-ga ka qabsaday magaalooyin dhowr ah, waxaana dagaalka u dhexeeya labada dhinac uu galay todobadkii labaad oo xiriir ah, iyadoona uu jiro khasaaro lixaad leh oo ka dhashay dagaalkaas.