• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Itoobiya oo Jawaab kulul ka bixisay eedeyn ay u jeedisay Amnesty International

Bilan Media by Bilan Media
June 3, 2020
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay warbixinta ay soo saartay Hay’adda Amnesty International aysan ahayn mid waafaqsan xaaladda uu dalku ku jiro isla-markaana ka fog xaqiiqada.

Warmurtiyeed ay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya soo saartay oo ay uga jawaabeyso eedda Amnesty ay Itoobiya u soo jeedisay ayey ku sheegtay “warbixintu guud ahaan iney tahay mid aan ka tarjumeyn xaaladda dalka Itoobiya uu wakhti xaadirkan uu ku sugan yahay wixi ka dambeeyey marka uu isbeddel ka dhacay Itoobiya talalabbooyinka siyaasadeed iyo amni ee ay dowladda qaadday, warbixintuna ay tahay mid hal dhinac u janjeerto”.

Itoobiya waxay sheegtay xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee warbixinta lagu xusay haddii ay u jiraan sida warbixinta Amnesty lagu sheegay dowladda iney u saareyso guddi madax bannaan oo soo baara.

Goobaha warbixinta lagu sheegay iney xadgudubyo xuquuqda aadanaha ka dhaceen dadaallada xasilooni iyo amni looga soo dabbaalayey iney iska kaashadeen dowladda dhexe iyo dowlad deegaannada isla-markaana si buuxda looga qayb geliyey ururrada bulshada iyo hoggaanka diimaha.

Wasaaraddu waxaa kale oo ay sheegtay ciidamada gaashaan dhigga, booliska federaalka iyo ciidamada kale ee ammaanka ee deegaannada ay Amnesty sheegtay iney ka dhaceen xadgudbyada xuquuqda aadanaha howlgallada sharciga iyo kala dambeynta ay ku soo celinayeen in si weyn loogu ammaanay.

Wasaaradda oo jawaabta ay Amneysty siisay sii wadato waxay tiri dhibaatooyinki iyo dagaallo beeleedyadii dalka Itoobiya qaybahiisa kala duwan ka dhici jiray in haatan la xalliyey, balse dhibaatooyinka Amnesty ay sheegtay ay yihiin kuwa ay sababeen falal sharci darra ah oo ay sameeyeen kooxo hubeysan oo dalka qas ka wada.

Amnesty waxay warbixinteeda ku sheegtay deegaannada Amxaarada iyo Oromada iney xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ugu badan ay ka dhaceen.

Labadaasi deegaan oo ah halka ay ka soo billowdeen kacdoonnadi shacabka ee keenay inuu dalka Itoobiya isbeddel siyaasadeed uu ka dhasho.

Ugu dambeyn, wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya warmurtiyeedkeeda waxay ku soo gabagabeysay warbixinta Amneysty ay soo saartay iney tahay mid xaqiiqda ka fog oo aan ka tarjumeyn dhab ahaan waxa ka socda gudaha dalka itoobiya.

Warbixinta ay Amnesty ka soo saartay dalka Itoobiya ayey cinwaan uga dhigtay “Xadgudubyada ay ciidamada ammaanka Itoobiya ka geysteen deegaannada Oroamada iyo Amxaarada”.

Waxayna hay’adda Amnesty international ay Ra’isal wasaaraha Itoobiya ugu baaqday inuu amar ku bixiyo in si deg deg ah loo joojiyo dilalka sharcidarrada ah, xarig wdareedka, barakicinta qasabka ah iyo burburka hantida shacabka loo geysta.

Previous Post

Shirka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagasoo saaray go’aano la xiriira Covid 19

Next Post

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Gedo

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
Warar

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

July 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

July 14, 2025
Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot
Caalamka

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

July 14, 2025
Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Next Post

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Gedo

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

by Ilhaan
July 14, 2025
0

Shirka dhammaystirka dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa galay maalintiisii labaad maanta, iyada oo si weyn diiradda loo saarayo ajandayaal muhiim...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

by Ilhaan
July 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Nigeria ka dib...

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

by Ilhaan
July 14, 2025
0

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii ku dhawaaqay in Mareykanku uu dalka Ukraine u diri doono gantaallada difaaca cirka ee...

Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

by Liban
July 14, 2025
0

Lamu, Kenya – In a move aimed at deepening bilateral cooperation and supporting development in regions with a strong Somali presence,...

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
Warar

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot
Caalamka

Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora
English News

Somali Envoy Visits Kenya's Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”
English News

President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore ee Nigeria Muhammadu Buhari
  • Trump: Mareykanka Wuxuu Ukraine U Dirayaa Gantaallada Difaaca Cirka ee Patriot
  • Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00