Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Gedo

Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso deegaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaacay kaas oo dhexmarat ciidamada dowladda iyo Alshabaab.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo waxaana la Isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Alshabaab weerar gaadma ah ay ku soo qaadeen ciidamada dowladda muddo saacad ahna uu socday.

Ciidmada dowladda iyo Alshabaab ayaa la sheegay in khasaaro uu kasoo kala gaaray dagaalka,iyada oo saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarka.

Dhinaca kalana war kasoo baxay Alshabaab ayaa looga hadlay dagaalka iyaga oo guulo ka sheegtay tilmamayna in uu dirqi uga badbaaday guddoomiyaha degmada Buurdhuubo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media