Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegay in saakay halkaas ay ka dhacday Israsaaseyn muddo kooban socotay oo dhawaqeeda la maqlay.
Dadka deegaanka Dhuusamareeb oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Israsaaseynta ay dhexmartay rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Rasaasta ayaa ka timid, kadib markii Maleeshiyaadkii hubeysnaa ay isku qabsadeen arrimo la xiriira dhul ku yaalla xaafad ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana mid kamid ah Maleeshiyaadka uu carooday, sidaasina ay ku bilaabatay rasaasta.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday Israsaaseynta oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Caabi oo kamid ahaa ragga dhulka ka Ganacsada ee loo yaqaano dalaalka, waxaana ku dhaawacmay ruux kale oo maleeshiyaadka kamid ahaa.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Magaalada Dhuusamareeb oo ku aadan Israsaaseyntii ka dhacday duleedka Magaalada, waxaana xusid mudan in xiliyada qaarkood deegaano ka tirsan Galgaduud ay Israsaaseyn ku dhexmarto maleeshiyaad hubeysan, una abaabulan qaab qabiil.