Israsaaseyn socotay daqiiqado kooban ayaa saqdii dhexe ee xalay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ku dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland iyo rag hubeysan oo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.
Rasaasta oo aheyd mid xoogan ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada, taasi oo si gaar ah labada dhinac ugu dhexmartay agagaarka Buundada dhinaca Bari ka xigta Garoowe, wallow markii dambe ay istaagtay oo xaaladda caadi kusoo laabatay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isaaq Maxamuud ayaa si kooban uga hadlay Israsaaseyntii xalay Magaalada Garoowe ku dhexmartay Ciidanka Booliska iyo rag hubeysan oo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.
Taliye Ilyaas Isaaq ayaa sheegay in Ciidanka Booliska oo howlgal ku jiray ay rasaas ku bilaabeen ragga hubeysan, ayna Ciidamada iska caabiyeen rasaasta, isla markaana uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay falkaas oo ka dhacay meel ku dhow Buundada Bari.
Gaba-gabadii Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isaaq Maxamuud ayaa waxaa uu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha ka ganacsada Khamriga oo sida uu sheegay halis ku ah Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Gobolka.