Faah faahino ayaa laga helayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya iyo Rag hubeysan oo gelinkii dambe ee Maanta Israsaaseyn kooban ku dhexmartay Magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay Israsaaseynta ay timid, kadib markii Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaashiid ay ka shakiyeen rag dhalinyaro ah oo watay Mooto laba lugaaley ah, kadibna mar qura laga war helay rasaas bilaabatay.
Ragga Mootada saarnaa oo saddex ruux ahaa ayaa watay dhar caadi ah, waxaana mid kamid ah raggaas uu si xoog ah ku galay Bakhaar ku yaalla Isgoyska Towfiiq, iyadoona intaas kadib labadii kalena ay goobta ka baxsadeen.
Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa ku geeriyooday goobta, halka laba qof kalena oo shacab ahaa dhaawac uu soo gaaray, waxaana daqiiqado kadib goobta tegay Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka gacanta ku dhigeen Ninkii hubeysnaa ee galay Bakhaarka ku yaalla Isgoyska Towfiiq ee Yaashiiq, waxaana xiligii falku dhacayay hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka, wollow markii dambe uu dib u soo laabtay.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan Israsaaseyntii khasaaraha geysatay ee gelinkii dambe ee Maanta ka dhacday degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.