Fiidnimadii Caawa Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Israsaaseyn daqiiqado kooban socotay waxaa ay ku dhexmartay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in mar qura laga war helay Israsaaseyn xoogan oo dhexmareysa Ciidamo Boolis ah oo ka wada tirsan dowladda, isla markaana uu kahad galay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska ka jiray.
Isku dhaca Ciidamada ayaa ka dambeeyay, kadib markii Ciidamo Boolis oo bar koontarool ku leh Isgoyska Sanca dhinaca xiga beexaani ay rasaas ku fureen gaari ay qaad ku wateen Ciidamo, kaasi oo isku dayay inuu xoog ku maro halkaas, sidaasina ay rasaas ku bilaabatay.
Intaas kadib Ciidankii la socday gaariga qaadka siday ayaa dhowr xabadood oo Jawaab ah isaga furay Ciidankii marka hore rasaasta ku bilaabay, iyagoona kadib isaga tegay goobta, aadayna dhinaca degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa buux-dhaafiyay Sanco, waxaana muddo oo hakad ku jiray dhaq-dhaqaaqii Isgoyska uu markii dambe dib u soo laabtay, iyadoo xiligaan xaalad ay degan tahay.
Ma jiro khasaaro ka dhashay Israsaaseyntii Caawa ka dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka, waxaana horey sidaan oo Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho uga dhacday Israsaaseyn dhexmartay Ciidanka, kuwaasi oo qaaarkood geystay khasaaro kala duwan.