Israsaaseyn Khasaaro geysatay oo ka dhacday Boosaaso

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa sheegayaan in gelinkii dambe ee Maanta halkaas ka dhacday Israsaaseyn geysatay Khasaaro Nafeed.

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Berriga Puntland xili uu ku sugnaa Suuq ku yaalla Boosaaso, waxaana intaas kadib Sarkaalka iyo ragga hubeysnaa dhexmartay Israsaaseyn socotay daqiiqado kooban.

Ugu yaraan hal ruux oo la sheegay inuu kasoo jeedo Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya kuna sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu falka ka dhacay ayaa ku dhintay halkaas.

Sidoo kale ragii weerarka ku qaaday Sarkaalka ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Puntland ayaa goobta ugu baxsaday luuq yar oo xiligaas goobta ku yaallay, waxaana durbo howlgalo kala sameeyay Ciidanka amniga Boosaaso, hayeeshee kuma aysan guuleysan inay soo qabtaan raggaas.

Si kastaba maalmo kahor ayay aheyd markii xili  habeen rag hubeysan ay weerar qaadeen fariisimo Ciidanka amniga Puntland ay ku leeyihiin Boosaaso, waxaana weerarkaas ku dhintay hal Askari, halka mid kalena dhaawac uu soo gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media