Israel oo weerar dhimasho badan saaka ku qaaday Gaza

Israel ayaa saaka duqeyn oo xooggan oo ka dhan ah kooxda Islamic Jihad ku qaaday Marinka Gaza, waxaa sidaas ku dhowaaqay militarigeeda, ayada oo wasaaradda caafimaadka maamulka Xamza ee Gaza ay sheegtay in 12 qof lagu dilay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in haween iyo caruur ay ka mid ahaayeen dadka dhintay, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan aqoonsiga dhibbanayaasha.

Weriye ka tirsan AFP oo ku sugan Gaza ayaa arkay dab ka holcaya dusha sare ee dabaq kadib markii duqeymaha ay haleeleen, ayada oo baabuurta gurmadka deg degga ah ay daad-guraynayeen dhibbanayaasha.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay beegsadeen saddex hoggaamiye oo ka tirsan Islamic Jihad, oo ah koox ay u aragto argagixiso.

Bayaan ay soo saareen ayey saddexda hoggaamiye ee la beegsaday ku sheegeen Jihad Ghannam iyo Khalil Al-Bahtani oo lagu beegsaday Marinka Gaza iyo Tareq Ezzdine oo lagu weeraray Daanta Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor