Deegaanka Soomaalida ee dalka Itooobiya seddexdii sano ee u dambeeyey waxaa la sheegayaa iney ka dhaceen dagaallo beeleeydyadii uggu badnaa.
Hoggaanka nabad galyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Axmed Gurey, oo aan la xiriirnay, ayaa sheegay iney si weyn uggu dadaaleen kahortagga iyo xakameynta inaanu dagaal dhicin.
Dagaallada ayaa la sheegay iney sababeen deegaameynta cusub ee ay qabaa’illada degmooyinka ka sameeyaan, iyo sidoo kale dhul daaqsimeedka iyo biyaha oo la isku qabto.
Dagaalladaasi oo sababay dad badan iney ku dhinteen, ayaa lagu soo waramayaa inaaney dhici jirin xilligi uu deegaankaasi ka arriminayey maamulka haatan jira kii ka horreeyey, maadaamaa ay shacabku kala baqayeen.
Maamulka deegaanka Soomaalida waxaa lagu eedeeyaa inuu sidii la rabay wax uga qaban dhibaatooyinkaasi, in kastoo maamulku uu ku doodayo iney wax badan ka qabteen, balse dhibaatooyinkan iney yihiin kuwa mar kastaba ka dhaca deegaannada Soomaalida oo dhan.