Iran oo ogolaatay in kaamerooyin lagu xiro warshadaheeda nukliyeerka

Wakaaladda quwadda nukliyeerka Qaramada Midoobay ee IAEA iyo Iran ayaa gaadhay heshiis ay Iran ku aqbalayso in si toos ah loo kor joogteeyo warshadaheeda nukliyeerka.

Heshiiskaa oo lagu gaadhay Tehran ayaa ogolaanaya in hay’addu wershadaha dalkaas ku xidho kamaradu lagula socdo hawlaha warshadahaas.

Arintan oo ay hore ugu heshiisyeen Iran iyo quwadaha waaweyn ee dunidu sannadkii 2015 ayaa ay Iran joojisay markii Maraykanku heshiiskaa ka baxay markii uu talada hayey Donald Trump ee uu sidoo kale ku soo celiyey cunoqabatayntii ahayd in laga qaado.

Is waydiintu haatan se waxay tahay, maxay Iran haatan u aqbashay in dib loogu rakibo kamaradahaa wershadaheeda.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor