In ka badan Kun Dagaalyahanno Daacish oo uu Nin Soomaali ku jiro oo lagu qabtay Sacuudiga

1,351 Dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Daacish, kana soo kala jeeda 29 Waddan ayaa la sheegay in lagu qabtay hawlagllo laga sameeyey gudaha dalka Sacuudiga.

Cadadkii maanta ee Wargeyska Saudi Gazzette ee ka soo baxa magaalladda Jeddah, ayaa lagu shaaciyey inay Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ay muddo 8 biloow wadeen Hawlgallo lagu soo qabtay 1,351 shaqsi oo lala xiriirinayo Dagaalamayaasha Daacish ee isku magacowda Dowladda Islaamka, kana dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Wargeyska Saudi Gazzette in Eedeysanayaasha la qabtay ay ku jiraan 1,058Sacuudiyaan ah, oo badankooda aad u da’ yar, kuwaasi oo la sheegay inay Dacaish kula xiriireen dhowr Websayt.

Eedeysanayaasha Sacuudiga ayaa la sheegay inay ku jireen qaar doonayey inay fuliyaan falal Is-qarxin oo ay dad badan ku riiqmi lahaayeen.

Ilo-wareedka ayaa sheegay in Eedeysanayaasha shisheeyaha ee lagu qabtay Hawlgalladda ay tiradoodu dhan tahay  293-qof, kuwaasi oo badankooda ka soo jeeda dalka Yemen.

Wargeyska Saudi Gazzette waxa kaloo uu qoray in ilo uusan shaacinin u sheegeen in Eedeysanayaasha la qabtay uu ku jiro nin Somali oo aan la shaacinin magaciisa, halka lagu qabtay iyo qaabkii uu ku joogay dalka Sacuudiga.

Eedeysanayaasha kale ee lala xiriirinayo Kooxda Daacish ee ay Hay’addaha Ammaanka Sacuudiga qabteen ayaa kala ah:-117 Yemiyiin, 60 Syrian, 23 Masaari, 19 Pakistaani, 11 Falastiini, 8 Sudanese, 8 Urduniyiin, 5 Hindi, 4 Bangaladheshi, 3 Jaad, 2 Ciraaqi, 2 Filibiini, 2 Afganistani, 2 Maali, 1 Libiyaan, 1 Malaysian, 1 Qatar, 1 Lubnaani, 1 Nepal, 1 Tajakistan, 1 Nigerian iyo 9 aan la aqoonin dalalka ay ka soo kala jeedaan.

Links: http://www.saudigazette.com.sa/index.cfm?method=home.regcon&contentid=20150628248633

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor