• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Imisa nooc ayey noqon kartaa Xukuumadda Cusub: Qaran-deeq, Beel-deeq & Qurbo-deeq ?)

Bilan Media by Bilan Media
March 20, 2017
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Xaallad Fool-Siyaasadeed leh ayey noqotay Dhismaha Xukuumadda cusub, waxaana la ogeyn waxa ay ku curan doonto iyo sida loogu caano-maali doono.

RW Xasan Cali Kheyre oo bishan March 1-dii Codka Kalsoonida ka helay Xildhibaanadda BFS ayaa waxa uu u muuqdaa Siyaasi Siyaasad-barad ah iyo Shaqsi aan aqoonin halka uu wax ka ambaqaadi doono.

Waa hubaal RW Kheyre inuu u dhexeeyo Madaxweyne iyo Guddoomiye Barlaman oo kaga khibrad roon Maamulka Siyaasadda, waana arrintaasi waxa seta-dheereynaya inuu soo magacaabi la’ yahay Xukuumadda la saadaalinayo, lana sugi la’ yahay.

Guux-hoosaad ayaa jira in Dhismaha Xukuumadda tahay mid saddex gees ah, iyadoo uu RW hal daraf uun ka hayo Udub-dhigga Xukuumadda Federalka ee horey loo sheegay in loo idmaday.

Qoraalo hordhac oo Liiska Wasiiradda ayaana si hoose loogu dusinayey Saxaafadda, kuwaasi oo ugu yaraan 6 jeer la kansal gareeyey, waxayna Madaxweyne Farmaajo, RW Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari noqdeen Farsama-yaqaano midba uu goonidiisa u dejinayo Naqshadda Xukuumadda Cusub iyo Liiska Wasiiradda.

Calawsanaan iyo Aragti is-diidaya ayaana la soo werinayaa iyo in mas’uul kasta doonayo inuu Wasiiro ku yeesho Xukuumadda cusub, iyadoo lagu salaynayo Nidaamka Awood-qeybsiga ee 4.5

RW Kheyre waa la dareemi kara qafladda uu ku jiro iyo sida Aragtiyo cusub loogu camcaminayo, waxayna taasi dhalin kartaa inuu oggol-diidan u noqdo Liis kasta oo Xukuumadda ee la magacaabayo.

Waa Tijaabo Siyaasadeed iyo Talo Hoggaamiye in si xil-ballaarsi leh hal xil loo soo farageliyo, iyadoo lagu hagoogayo Nateexeyn Siyasadeed oo lagu lifaaqay Amar.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay miiska saaran tahay Qaab Doorashadda Saddex Xukuumadood oo lagu saleynayo Xukuumad Saami-qeybsi sal-ballaaran leh, ama haddii sifo kale loo dhigayo mid ahaan noqonaysa:

  1. Xukuumad Beel-deeq ah,
  2. Xukuumad Qurbo-deeq ah iyo
  3. Xukuumad Qaran-deeq ah.

Ilo loo qaateen ah ayaa rumeysan in la dhisayo Xukuumad mabda’ ahaan isugu dhafan Qurbo-deeq la sii qabyaaladeeyey.

Waxaa rajo kooban ah in la helo Xukuumad Qaran-deeq ah, waxaana Aragtidaasi loo arkaa mid daaqada laga soo tuuray sidii  Jaallayaashii lagu awr-kacsaday Isbedel-doonka loo naafeeyey.

Dowlad-yaqaanka ayaa rumeysan in Xukuumadda Cusub aysan lahayn Asaas xooggan iyo Himilo Hufan, iyadoo Xubnaha Wasiiradda cusub badankooda la sheegay inay yihiin Layli Siyaasad-barad ah oo Hawsha Maamulka Dowladnimo ka bilaabayo Darajadd Xil Wasiirnimo.

Xaalladda ayaana u muuqata Askari aan Layli dhibownimo soo marin oo loo dallacsiiyey Taliye Sare iyo Madaxa Hoggaaminta Difaaca.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa Is-weydiin mudan: Imisa nooc ayey noqon kartaa Xukuumadda Cusub:  (Qaran-deeq, Beel-deeq ama Qurbo-deeq?).

©Radio Dalsan

 

Previous Post

Sacuudiga oo dib u bilaabay Shidaalkii ay Masar siin jireen.  

Next Post

Dhageyso: Warka Habeen ee Radio Dalsan

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Next Post

Dhageyso: Warka Habeen ee Radio Dalsan

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00