Imaaraadka oo sheegtay inay ka go’an tahay dhowrista Midnimadda, Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Danjiraha Imaaraadka uga wakiilka ah daalalka Belgium, Luxembourg iyo EU-da, Maxamed Ciise  Al-suwaydi waxa uu mar kale ku celiyey inay Dowladiisa ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahaayeen dadka Soomaalida iyo dadaalka lagu doonayo in lagu so oceliyo Midnimadda, Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Danjiraha ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweynihii Arrimaha Somalia ee dhawaan lagu soo gebagebeeyey caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

“Sannadihii la soo dhafaay, Dowladda Imaaraadka waxay had iyo jeer safka hore kaga jirtay dadaalka Beesha Calaamka ee lagu taageerayo Somalia iyo sidii loo soocelin lahaa Nabadda iyo Deganaansha Ummaddooda” ayuu yiri Danjire Maxamed Ciise  Al-suwaydi, oo intaasi ku daray inay somaalia ka taageereen dhinacyadda Tababarka Ciiddamadda, Dhaqaalaha, Loojistikada, Gargaarka Samafalka iyo La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Dhinaca kale, Danjiraha Imaaraadka uga wakiilka ah daalalka Belgium, Luxembourg iyo EU-da waxa uu sheegay inay so odhaweynayaan Heshiiskii ay DFS iyo Mamaul-gobaleedyadda kala saxiixdeen bishii December 5-dii ee sannadkii hore, waxa kale oo uu tilmaamay inay taageerayaan qorshaha Horumarinta Qaranka, gaar ahaan sidii Dib-u-habayn loogu samayn lahaa Ammaanka ay DFS ku hawlan tahay.

Hadalka Danjirahaasi ayaa ku soo beeegmay, xilli aan weli la xalinin Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Imaaraadka, iyadoo ay DFS horey dacwad ka dhan ah Dowladda Imaaraadka u gusbisay QM iyo Ururka Jaamacadda Carabta, waxaana Dowladda Imaaraadka lagu eedeeyey inay faragelin ku hayso Arrimaha Gudaha Somalia iyo Deganaanshaha Mandiqadda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media