Imaaraadka Carabta oo shaaciyay Saraakiisha looga dilay Weerarkii Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday saraakiisha looga dilay Weerarkii xalay Askari kamid ah ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa xasilinta caasimadda uu ka fuliyay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho.

War Qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka ayaa lagu sheegay inay Weerarka uga dhinteen saddex ka mid ah ciidamadeeda qalabka sida iyo askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Baxreyn iyo dhaawaca labo kale.

Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in ciidankaas ay u joogeen Soomaaliya waajibaad shaqo oo ah tababarka iyo tayeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ee Qaab-dhismeedka iskaashiga milatari ee labada dal.

“Waxay ku guda jireen gudashada waajibaadkooda shaqo ee tababarrida iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya ee qaab-dhismeedka iskaashiga milateri ee labada dal.” Ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta.

Saraakiisha Imaaraadka Carabta ee la weeraray ayaa la xaqiijiyay in aysan deganeyn xerada oo ay degan yihiin xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde, balse ay si joogto ah u tagaan xerada, si ay u bixiyaan tababarada. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor