Waxaa xabisga loo taxaabay laba askari oo ka mid ahaa ilaalada Hanti dhowraha qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale, kuwaasi oo lagu tuhunsanyahay dilka wasiirkii Howlaha guud ee xukuumada.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa la sheegay inay xabsiga dhigtay eedeysanayaasha oo loo heysto toogashada wasiir Cabaas Sheikh C/laahi Siraaji oo xalay lagu dilay meel ku dhow madaxtooyada.
Baarayaasha maxkamada ayaa ku howlan sida la sheegay dhacdada dilka ee wasiirkii howlaha guud, islamarkaana la filayo saacadaha soosocdo inay soo saaraan natiijada kiiskaas oo ay hada u xiranyihiin ilaalo ka mid ah ciidanka hanti dhowraha.
Lasoco waxa soo kordha