Idaacadda Dalsan ayaa ku Guuleysatay Idaacadda ugu Fiican Muqdisho ee Sanadkaan 2020, waxaana ay heshay Codadkii ugu badnaa ee loogu codeeday.
Dalsan oo tar-tanka la gashay Idaacado dhowr ah oo Muqdisho ka dhisan, ayaa waxaa ay  kaalinta 1aad ka gashay dhammaan Idaacadihii la tar-tamayay, iyadoo Munaasabad heer sare looga dhawaaqay.
Tartanka oo ay qabato Muqdisho Awards ayaa waxaa  sidoo kale lagu bixinayaa Abaalmarinno kale oo ay ka mid yihiin Wariyaha ugu wanaagsan Sanadka iyo Abaalmarinno kale, waxaana hadda socda Xaflad lagu bixinayo dhammaan Abaal marinadii sanadkaan loo tar-tamay ee ay Qabatay Muqdisho Awards.