Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Israaseeyn kooban oo Caawa dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya, waaxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo la xariira dhacdadaasi.
Deegaanka Ceel-dheer oo hoosyimaada Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa in ay Caawa isku Rasaaseeyeen Ciidanka Dowladda, waxaana ay kala ahaayeen sida wararku sheegayaan Boolis iyo Millateri.
Sababta keenyay in ay is rasaaseeyaan Ciidanku ayaa lagu sheegay kala shaki soo kala dhex-galay labada Ciidan ee kala ah Boolisla iyo Millateriga Soomaaliya, waxaana agga is rasaasayntu ka dhacday uu yahay mid Furun ah oo Ciidan farabadan la geeyay, waxaana ay Ciidanku halkaas ku leeyihiin fariisimo waa weyn oo laga difaaco Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyo degaanada ku xeeran.
Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhaawacmay kaasi oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, waxana dhawaciisa la gaarsiiyay Isbitaal ku yaalla Dhuusamareeb.
Degaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan degaanada ku xeeran Dhuusamareeb aya waxaa la geeyay Ciidan Farabadan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, waxaana ay halkaasi ku leyihiin Fariisimo.